Home » Maxaa Cusub » Laba Ka Mid Ah Taageeryaasha Newcastle Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed

Laba Ka Mid Ah Taageeryaasha Newcastle Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed


Newcastle United supporters

Kooxda Newcastle ee dalka Ingiriiska ayaa ku xaqiijisay in laba ka mid ah taagerayasheeda ay ku naf waayeen burburkii diyaaradii laga lahaa dalka Maleysia ee ku burburtay barita Ukraine.

Labadaan taageere ayaa doonayay iney tagaan Maleysia kadibna ay aadaan dalka New Zealand si ay usoo daawadaan kulamada ay kooxda ay taageeraan ku ciyaarayaan halkaas.

Duulimaadkii MH17, ee burburay Khamiistii ayey ku geeriyoodeen labadaan taageere iyo 296-qof oo kale, iyadoo Newcastle United ay xustay magacyada labada taageere oo lagu kala magacaabi jiray: John Alder iyo Liam Sweeney.

Newcastle United ayaa mahdisay waqtigii John iyo Liam iyagoo carabaabay iney xus u sameyn doonaan kulamadood fasaxa iyo kulanka ugu horeeya Premier League.

Ugu dambeyntiina maareeya ciyaaraha kooxda Lee Charnley ayaa xusay muhiimada ay u lahaayeen taageerayaasha kooxda isagoo sheegay iney ahaayeen laba taageere oo aad caan uga ah garoonka St James Park.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close