Home » Horyaalada » La liga » La Yaab: Jose Mourinho Oo Niyada U Dhisay Goolhaye Casillas

La Yaab: Jose Mourinho Oo Niyada U Dhisay Goolhaye Casillas


casillas-mourinho_2580645b

Inkastoo Jose Mourinho iyo goolhaye Iker Casillas uusan haatan ka dhaxeynin xiriir wanaagsan sidoo kalena labadan shaqsi ay colaad ku kala tageen markii ay Real Madrid isla joogeen hadana Jose Mourinho ayaa iska diiday inuu dhaliil usoo jeediyo Casillas oo fashil weyn muujiyay kulankii Spain guuldaro 5-1 ah ay kala kulmeen xulka Holland sidaa dareed Mourinho oo markii uu Madrid macalinka u ahaa ku dhiiraday inuu Casillas kursiga keydka ku iloobo ayaa wax laga weydiiyay qaladaadka uu Casillas galay wuxuuna kaga jawaabay “inta badan aniga cayaaryahan hal qalad uu galo kuma xukmiyo sidaa darteed waxaana ka rajeynaa macalin Del Bosque inuusan hal qalad Iker kursiga keydka ku galinin!”

Mourinho oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Iker waa goolhaye waaya araga ah sidoo kalena mudo dheer Spain hogaaminaayay sidoo kalena kalsoonida macalinkiisa ayuu heestaa sidaa darteed hal cayaar oo ka wareertay ma ahan in lagu xukmiyo waxaana fila inuu qaladkii uu galay iska dhaqi doono” Jose Mourinho ayaa ku caan baxay xili cayaareedkii 2012/13 inuu Iker Casillas kursiga keydka galiyay markii u Real Madrid macalin u ahaa waxaana labadan shaqsi dhex maray dagaal sababay inay salaanta iska qaadi waayaan ugu dambeyntiina Mourinho ayaa magaalada Madrid kasoo guuray balse haatan macalinka reer Portugal kama uusan faa’iideesanin xaalada uu ku sugan yahay Casillas midaasna waxay muujinee in Mourinho waxa maankiisa ka guuxayo aan la sadaalin karin!

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close