Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Dooneysa Iney Lasoo Saxiixato Carlos Tevez, Madama Ay Suarez Kaga Shakisay Real Madrid

Liverpool Oo Dooneysa Iney Lasoo Saxiixato Carlos Tevez, Madama Ay Suarez Kaga Shakisay Real Madrid


Tevez

Wargeska Daily Express ayaa daaha ka rogay sheeko xiiso badan taasi oo ku aadan mustaqbalka kooxda Liverpool iyo qaabka a xagaagan suuqa Yurub uga dukaameesan doonto wargeskan ayaa sheegay in Reds ay iska iibin doonto weeraryahankeeda Luis Suarez kaasi oo kusii jeedo kooxda Real Madrid waxayna badalkiisa Liverpool kasoo iibsan doontaa naadiga Juventus Carlos Tevez oo horey Premiership-ka England ugu cayaari jiray kooxaha Man United iyo Man City, inkastoo Liverpool marar badan ka madax adeegtay inay Suarez iibiso hadana xagaagan Reds waxay weeraryahankeeda tayada wanaags ka door bidi doontaa 90-milyan oo ay diyaar ula tahay kooxda Real Madrid.

27-jirka reer Uruguay oo haatan ku jro xiligiisii ugu wanagsanaa diyaar ayuu u yahay inuu dalabka Real Madrid aqbalo sidaa darteed macalin Brenden Rodgers ayaa calaameestay inuu Tevez Juve kasoo iibsado wuxuuna kusoo qaadan doona 25-milyan oo euro ah, Tevez waa xidig qabiir ku ah Premiership-ka England madaama uu kooxaha Man United iyo Man City kula guuleestay horyaalka haatana Juventus ayuu Serie A-da kula guuleesan raba sidaa darteed xidigan u dhashay dalka Argentina ma diidi doono fursada uu mar labaad horyaalka aduunka ugu wanaagsan waxaa intaas usii dheer in Tevez uu Premiership-ka Enland ka dhaliyay 115-gool sanadihii uu kusoo qaatay West Ham, Man United iyo Man City balse lama hubo in kooxda Juventus ay xidigan tayada wanaagsan xagaagan iska iibin doonto.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close