Kubad sameeyaha kooxda Wolfsburg Diego ayaa cadeeyay inuu dalab ka helay kooxo ka dhisan Horyaalka Premier League Dalka Ingiriiska.
28-jirkaan reer Brazil ayaa noqon doona xor marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan wuxuuna doonayaa inuu soo tijaabiyo nolol dhaanta Bundesliga.
“Waan ogahay in kooxo ka dhisan premier League ay i xiiseynayaan, waxaana hubaa Arsenal” ayuu xidigii hore kooxaha Athletico Madrid iyo Juventus u sheegay The Sun.
“Waan Ku Qancay dalabkooda sababtoo ah kubada ay ciyaaraan waa kubadeyda waxaana ugu jawaabi doonaa “HAA” hadii ay dalabkooda iisoo gudbiyaan si toos ah”
Diego ayaa ku sugnaa kooxda Wolfsburg tan iyo 2010.
Waxaa Aqrisay: (285)
Mogadishu - Somalia