Toni Kroos ayaa inkiray inuu heshiis la gaaray kooxda Spain ee Real Madrid, wuxuuna ku adkeystay inuusan weli mustaqbalkiisa wax go’aan ka gaareen ilaa uu koobka adduunka ka dhamaado.
Warar laga helay Spain ayaa sheegay in xidiga Bayern Munich qadka dhexe ugu cayaaro uu heshiis €25 million ugu wareegay kooxda heysata Champions League Real Madrid isla markaas uu u saxiixay heshiis Shan Sano ah.
Kroos ayaa heshiis uu kula jiro kooxda Bayern Munich waxaa uga dhiman hal sano, maruu ka hadlaayey ciyaarta dhex mari doonto habeen dambe Xulaka Germany iyo France ayuu sheegay inuusan wax go’aan ah ka gaarin mustaqbalkiisa.
Kroos ayaa yiri: ” Kuma Caawin Karo, wax sidaas u badan kaagma sheegi karo, kama hadli karo waxa ay qoreen wargeysyada”
” Dhowr jeer ayaan sheegay inaanan go’aan ka gaareen mustaqbalkeyga ilaa uu kasoo idlaanayo koobka adduunka”
” Isla markii uu dhamaado koobka adduunka, waxaan qaadan doonaa go’aan markaasna ayaan wax ku dhawaaqi doonaa, laakiin ma dhici doonto anigoo Brazil joogo inaan sameeyey saxiix”.
Hadalkaan ayaa imaanayo Xilli labadaan beri la hadal hayey inuu si rasmi ah ugu biiray kooxda Real Madrid isla markaas uu u saxiixay heshiis cusub.
Profile