Home » Horyaalada » Bundesliga » Kooxdii Ugu Wanaagsaneed Bundesligaha Jarmalka Xili Cayaareedkii 2013/14 Oo Shaaca Laga Qaaday:

Kooxdii Ugu Wanaagsaneed Bundesligaha Jarmalka Xili Cayaareedkii 2013/14 Oo Shaaca Laga Qaaday:


Bundesliga Team of the season

Horyaalka Jarmalka bilawgii todobaadkan ayuu si rasmi ah usoo idlaaday inkastoo Bayern Munich ku guuleesatay Bundesligaha asigoo 7-kulan ka harsan tahay hadana xidigaha horyaalkan ka cayaaraan xili cayaareedkan waxay soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan sidaa darteed waxaa si rasmi ah shaaca laga qaaday 11-kii xidig ee ugu wanaagsaneed Bundesligaha xili cayaareedkii 2013/14 oo dhawaan soo idlaaday, waxaana la yaab noqotay in kooxda Dortumund ay ku yeelatay liiskan 5-laacib inkastoo naadigan kaalinta 2-aad ku dhameesatay halka Bayern Munich oo horyaalka ku guuleesatay ay iyadana 5-laacib ku yeelatay, fadlan hoos kaga bogo kooxdii laga sameeyay xili cayaareedkaan Bundesligaha Jarmalka oo dadaalkooda lagu soo xushay:

Goolhaye: Manuel Neuer (FC Bayern München): 14-kulan wax gool ah lagama dhalinin!

Daafaca: Atsuto Uchida (FC Schalke 04), Sokratis (Borussia Dortmund), David Alaba (Bayern), Mats Hummels (Dortmund)

Khadka dhexe: Nuri Sahin (Dortmund), Philipp Lahm (Bayern), Arjen Robben (Bayern ), Franck Ribery (Bayern),

Weerarka: Marco Reus (Dortmund), Robert Lewandowski (Dortmund):

Xidigo Mudan in La Xuso Madaama Ay Dadaal Muujiyeen Xili Cayaareedkan: Marc Andre ter Stegen (Monchengladbach), Rafinha (Bayern), Dante (Bayern), Naldo (Wolfsburg), Ricardo Rodriguez (Wolfsburg), Hajime Hosogai (Hertha), Bastian Schweinsteiger (Bayern), Jefferson Farfan (Schalke), Mario Götze (Bayern), Heung-Min Son (Leverkusen), Mario Mandzukic (Bayern).


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close