Kooxda kubada cagta Valencia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday tababaraheeda cusub kadib markii ay shaqada ka raacdeeyeen Pizzi oo ahaa macalin reer Argentina kaas oo xilka kooxa hayay mudo 6-bilood ah.
Nuno Espírito Santo oo horay goolhaye ugu ahaa kooxaha Deportivo iyo Porto kaas oo haata 40-jir ah ayaa loo magacaabay macalinka cusub ee Valencia kaas oo xilka kooxa heyn doona ilaa 30-ka June 2015.
Nuno Espírito Santo ayaa kubada cagta ka baxay 2010 markaas oo uu soo afjartay mudo uu ku jiray garoomada, waxaana haatan uu yahay tababaraha kooxda Valencia ee sanada soo socota.
Heshiiska waxaa ka mid ah in Nuno uu heli doono hal sano oo dheeraad ah hadii uu shaqo fiican qabto inta lagu guda jiro halka sano ee heshiiskiisa.
Profile