Home » Europe » Europe League » Kooxda Sevilla Ku Guuleysatay Europa League Markii Ay Rigooreyaal Kaa Qaaday Dhigeeda Benfica

Kooxda Sevilla Ku Guuleysatay Europa League Markii Ay Rigooreyaal Kaa Qaaday Dhigeeda Benfica


Sevilla 2

Kooxda reer Spain ee Sevilla ayaa markeedii sadexaad ku guuleysatay koobka Europa League markii ay rigooreyaal 4-2 ah kaga qaaday kooxda Benfica kulan ka dhacay garoonka Juventus Arena ee magaalada Torino xalayto.

Ciyaarta waqtigii loogu taa galay waxey kusoo idlaatay 0-0, waxaana lag daray 30-daqiiqo oo dheeri ah waxba wey iska qaadi waayeen, balse qasaarooyin ay keeneen Oscar Cardozo iyo Rodrigo ayaa Benfica ku qasabtay in laga xoogo koobka Europa League.

Goolhaye Beto ayaana noqday halyeey markii uu laba rigoore ka qabtay labadaas xidig ee Cardozo iyo Rodrigo.

Sevilla ayaa tartankaan horay u qaaday 2006, hadana mar kale ayey difaacatay 2007 waxaana ay xalay u aheed markeedii sadexaad iyadoo barbaro la noqotay kooxaha Juventus, Inter Milan & Liverpool kuwaas oo min sadex jeer ku guuleystay.

Gacan sareynta kulanka waxaa lahaa Benfica balse wiilasha uu hogaamiyo Emry ayaa muujiyay dhabar adeeg iyo qaab difaaceed adag, habaarka Benfica ka heysta tartamada yurub ayaana wali dhamaan iyadoo ay ugu dambeysay koob yurub ah oo ay qaado 1962-dii.

Xili Ciyaareedkii hore Chelsea ayaa ka qadatay koobka markii ay timid Finalka tartanka.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close