Qiimeynta kala sareynta kooxaha Yurub ee sanadlaha ah (UEFA’s coefficient rankings) ayaa si rasmi ah daaha looga qaaday.
Waxaana qiimeyntan kaalinta kowaad kaga jirto kooxda Real Madrid oo dhamaan kooxaha reer Yurub ka dhibco sareyso qiimeyntan.
Inkastoo kooxda Barcelona ay xili cayaareedkan koobka horyaalada Yurub ku guuleesatay hadana weli safka hore waxaa kaga horeyso kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid.
Barcelona xili cayaareedkan dhibcaha ugu badan tartamada Yurub iyada ayaa la timid waxayna aruursatay 38.042-dhibcood balse midaas uma suura galin inay guud ahaan qiimeynta sanadlaha ah ay booska kowaad kala baxaan kooxda Real Madrid oo 5-sano ee ugu dambeesay nus dhamaadka Champion-ka soo gaarayeen.
Kooxda Real Madrid xili cayaareedkan waxay aruursatay 33.042-dhibcood halka kooxda Juventus oo Finalaha tartanka Champion-ka soo gaartay ay iyadana aruursatay 32.8-dhibcood.
Hadaba hoos kaga bogo guud ahaan kooxaha ugu sareeyaan dhanka dhibcaha kala sareynta qiimeynta sanadlaha ah:
Real Madrid – 171.999-dhibcood
Barcelona – 164.999-dhibcood
Bayern Munich – 154.883-dhibcood
Chelsea – 142.078-dhibcood
Atletico Madrid – 120.999-dhibcood
Benfica – 118.276-dhibcood
Schalke 04 – 111.883-dhibcood
Porto – 111.276-dhibcood
Arsenal – 110.078-dhibcood
Manchester United – 103.078-dhibcood
Paris Saint-Germain -100.483-dhibcood
Valencia – 99.999-dhibcood
Dortmund – 99.883-dhibcood
Juventus – 95.102-dhibcood
Zenit St. Petersburg – 90.099-dhibcood
Bayer Leverkusen – 87.883-dhibcood
Manchester City – 87.078-dhibcood
Shakhtar Donetsk – 86.083-dhibcood
Basel – 84.875-dhibcood
Napoli – 84.102-dhibcood
F.G: Kooxda Liverpool oo ka mid ah naadiyada caalamka ugu caansan waxay qiimeynta kooxaha Yurub dhanka dhibcaha ay la imaadeen kaga jirtaa kaalinta 42-aad!