Naadiga AS Monaco oo dhawaan kusoo baxday koow awood badan inta badana lasoo saxiixato xidigaha caalamka ugu wanaagsan madaama Bilyoneer reer Russia uu kooxdan iibsadan ayaa iska diiday saxiixa labo xidig oo qaarada Yurub laga tixgaliyo weliba Monaco labadan laacib si lacag la’aan ayay ku qaadan kartay madaama qandaraaskii ay kooxahooda kula jireen ay dhamaadeen balse maamulka kooxdan ayaa qorshahoodii dib ula laabteen.
33-jirka Ashley Cole oo ay dhawaan kooxda Chelsea iska fasaxday ayaa lagu waday inuu maal maha nagu soo fool leh magaalada Monaco u duulo si uu heshiis ula gaaro kooxdan tayada wanaagsna balse maamulka Monaco ayaa Cole u sheegeen inaysan u baahneyn sidoo kalena uu London iska sii joogo madaama ay ka shakiyeen tayadiisa iyo sidoo kalena da’diisa oo hore u badatay.
Sidoo kale kooxda Monaco oo horey heshiis hordhac ah ula gaartay goolhaye Victor Valdes ayaa sheegtay inay gabi ahaanba heshiiskan bur burisay sidoo kalena aysan lasoo saxiixan doonin goolhayahan waaya araga ah.
Waxaa naga xasuusin ah in Valdes uu marhore kooxdiisa Barcelona macsalaameeyay sidoo kalena saaxiibadiisa u sheegay inuu Monaco ku biiri doono balse midaas haatan ma dhici doonto waxayna maamulka kooxdan sheegeen inaysan la saxiixan karin goolhaye dhaawac ah sidoo kalena xili cayaareedka dambe ugu yaraan labo bilood garoomada ka maqnaan doono sidaa darteed macalinka kooxda AS Monaco Leonardo Jardim ayaa heshiiskan hor istaagay wuxuuna dalbaday in loo keeno goolhaye caafimaad qabo kaasi oo kooxdiisa kala qayb qaadan karo diyaar garowga xili cayaareedka dambe.