Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarineysa iney soo qaadato laba xidig oo ka tirsan kooxda Southampton iyadoo kooxda isku abaabuleysa tartamada faraha badan leh ee ay ciyaareyso xili ciyaareedka soo aadan.
Kooxda ka dhisan Anfield Road ayaa ku dhaweyd iney heshiis la gaarto kabtanka Kooxda Adam Lallana kaas oo isaga qudhiisa soo bandhigay jaceylka uu u qabo inuu ka garab ciyaaro Gerrard iyo Suarez balse kooxda Reds ayaa maankeeda badashay iyadoo kusoo dareysa daafaca ugu adag kooxda Dejan Lovren.
Branden Rodgers oo ay ka go’an tahay in kooxdiisa ay xili ciyaareedka soo aadan sameyso sidii ay sameeyeen sanadaan iyo si ka wanaagsan ayaa doonaya inuu kooxda ka dhigo koox u kala qeybsami karta tartamada kala duwan ee ay ka qeyb galeyso.
Dejan Lovren wuxuu ka ciyaaraa daafaca dhexe waana xidig leh awood dheeri ah kaas oo ku haboon daafaca kooxda Reds halka Adam Lallana uu yahay fara badne ciyaari kara boos walba oo khadka dhexe ah.
Si Kastaba Liverpool ayaa soo bandhigtay lacag dhan 40 Malyan Oo Euro iney ku wareejiso kooxda Saint lagu neynaaso si ay kaga samarto labadaan xidig ee muhiimka ah.
c kariim Qalinle
May 17, 2014 at 10:27 AM
Hiilkubad Aaway wararka xanta suuqa ee saakay.