Home » Maxaa Cusub » Kooxda Liverpool Oo Ka Tala Baxday Saxiixa Xidiga Barcelona Alexis Sancehz

Kooxda Liverpool Oo Ka Tala Baxday Saxiixa Xidiga Barcelona Alexis Sancehz


Alexis

Kooxda Liverpool ayaa gabi ahaanba soo afjartay xiisahii ay u qabtay Weeraryahanka Xulka Qaranka Chile iyo Kooxda Barcelona Alexis Sanchez kaas oo doortay inuu ku biiro Arsenal.

Kooxda Anfield ku ciyaarta ayaa mudooyinkii dambe lala xiriirinayay xidigaan reer Chile waxaana mar la isku soo qaaday inuu qeyb ka noqdo heshiiska uu Suarez ku tagayo Camp Nou balse xidigii hore Udinese ayaa sheekadaas beeniyay wuxuuna carabka ku dhuftay inuu doonayo ka ciyaarista Emirates Stadium.

Sida ay shaacisay Liverpool Echo Kooxda Liverpool ayaa isaga hartay tartankii ay ugu jirtay Alexis Sanchez iyadoo warbixino badan ay tilmaamayaan in 25-jirkaan uu 32-Malyan Oo Pound ugu biirayo kooxda Arsenal.

Tababare Branden Rodgers ayaa u weecday Lazar Markovic oo ka tirsan Benfica iyo xidiga Asal Kenyaanka ah ee qaatay dhalashad Belgiumka Origi kaas oo ka tirsan kooxda Lille.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close