Kooxda Liverpool Iyo Dhaq Dhaqaaqa Ay Suuqa Yurub Ka Wado
Waxaa Qoray: Abbas Ali Hassan
Taariikhda: June 16, 2014

Naadiga Liverpool oo dadaal xoogan ugu jirto sidii ay xidigo tayo wanaagsan ula soo saxiixan laheed ayaa dhaq dhaqaaq xoogan ka wado suuqa Yurub inkastoo kooxdan ay horey labo xidig ula soo saxiixatay hadana macalin Brenden Rodgers dadaalkiisa intaas kuma ekeyn doono sidaa darteed hoos kala soco Liverpool iyo dadaalka ay suuqa Yurub ka wado:
- Liverpool ayaa dalab £25million u dirtay naadiga Benfica waxayna ka filaa inay ka aqbasho madaama ay ka dooneyso kubad sameeyaha reer Serbia Lazar Markovic.
- Liverpool ayaa quus ka taagan soo xero galinta Adam Lallana waxaana xidigan haatan lala xariirinaa naadiga Tottenham.
- Wargesyada dalka Chile ayaa qoreen in Liverpool aysan weli ka quusanin soo xero galinta Alexis Sanchez waxayna ku dooneysaa £27m.
- Liverpool ayaa u sheegtay goolhaye Pep Riena inaan laga hor istaagi doonin hadii uu doortay ku biiritaanka Arsenal kaliya £5m ayaa ka xigto Gunners-ka saxiixa goolhayahan waaya araga ah.
Like this:
Like Loading...
Sadiiq yare
June 17, 2014 at 11:34 AM
Wellcome lazer morkovic and alex sanchez viiiiiva l.fc