Home » Maxaa Cusub » Kooxda Juventus Oo Lumineysa Arturo Vidal & Chelsea Oo Hogaanka U Heysa Kooxaha Doonaya

Kooxda Juventus Oo Lumineysa Arturo Vidal & Chelsea Oo Hogaanka U Heysa Kooxaha Doonaya


arturo_vidal_45970

Wargesyada dalka Talyaaniga ayaa sheekooyin badan ka qoreen mustaqbalka Arturo Vidal oo haatan ah xidiga ugu wanaagsan Serie A-da waxaana markan la hadal hayaa in xidigan tayada wanaagsan uu magaalada Turin isaga hayaami doono madaama kooxda Chelsea ay qal qaalo xoogan saxiixiisa ugu jirto wararka dheeraadka ah ee la helaayo ayaaa sheegayo in Juventus ay xidigan lumin doonto xagaagan waxaana haatan saxiixiisa hogaanka u heyso kooxda Chelsea oo la sheegay inay Vidal ku qaadan doonto £20million waxayna Chelsea dooneysaa inay booska ruud cadaa Frank Lampard xidigan galiso oo haatan sameynayo hormar aan caadi ahayn.

26-jirkan ayaa Juve ka dhigay naadi awood badan wuxuuna u sahli rabaa sanadkii 3-aad oo xariir ah inay Serie A-da ku guuleesato wuxuuna doonayaa inuu xagaagan isbadal sameeyo sidoo kale Vidal waxaa ku raad joogaan kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich balse ilaa haatan wargeska Daily Mail wuxuu sheegay in kooxda Chelsea ay noqotay naadiga dhankeeda loo badinaa inay gacanta ku dhigto kuba bur buriyahan tayada wanaagsan, maalmo ka hor kooxda Juve waxay dhankeeda sheegtay inay xiiseyneso saxiixa Ramires waxaana macquul ah in Chelsea ay xagaagan Juve isugu darto lacagto iyo Ramires oo haatan laga nacay garoonka Stamford Bridge madaama rabshadiisa badatay sidoo kalena cayaarihii ugu dambeesay Premiership-ka xidiga ganaaxyo culus ayaa la dul dhigay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close