Tababaraha kooxda Inter Milan Walter Mazzari ayaa saxaafada dalka Talyaaniga u sheegay inuu isku xil qaamay sidii uu kooxdiisa xagaagan ku keeni lahaa kubad sameeyaha naadiga Napoli Marek Hamsik madaama labadan shaqsi ay isla shaqeyn jireen sidoo kalena waqti wanaagsan ay kooxda Napoli kusoo wada qaateen wuxuu macalin Mazzari aaminsan yahay in Hamsik uu kooxdiisa awood dheeraad ah kusoo kordhn doono xili cayaareedka dambe, kubad sameeyaha reer Slovakia ayaa kalsoonida kooxda Napoli lumiyay madaama uu xili cayaareedkan inta badan kursiga keydka ku dhameestay wuxuuna kasoo bixi waayay ama ka dhex muuqan waayay nidaamka uu macalin Rafeal Benitez Naoli xidigaheeda u shaqo galiyo sidaa darteed masuuliyiinta Napoli waxay go’aansadeen inay Hamsik iska iibiyaan halkii ay lumin lahaayeen macalin Benitez xagaagan.
Wargeska Tuttosport ayaa xaqiijiyay dadaalka ay Inter Milan xidigan kula soo saxiixan rabto balse Inter Milan diyaar uma ahan inay bixiso €30 waana qiimaha ay xidigan Napoli dul dhigtay balse qorshe kale ayaa jiro kaasi oo ah in Inter ay dhigeeda Napoli ku wareejin doonto daafaceeda Andrea Ranocchia iyo lacago dheeraad ah waxaana loo badinaa inay dalabkaas Napoli aqbali doonto, Marek Hamsik wuxuu ka mid yahay kubad sameeyayaasha ugu wanaagsan qaarada Yurub waxaana xidigan ku raad joogaan kooxo badan sida Juventus, Chelsea iyo Man United balse ilaa haatan kooxda Inter Milan ayaa si rasmi ah u sheegtay inay dadaal xoogan ugu jirto saxiixa xidigan tayada wanaagsan oo la hubo inuu Koonfurta dalka Talyaaniga isaga guuri dooo xagaagan.