Home » Maxaa Cusub » Kooxda Fenerbahce Oo Mushaar Badan Kusoo Jiidaneysa Daafaca Arsenal Bacary Sagna

Kooxda Fenerbahce Oo Mushaar Badan Kusoo Jiidaneysa Daafaca Arsenal Bacary Sagna


Sagna

Kooxda reer Turkey ee Fenerbahce ayaa kusii dhawaaneysa iney soo xerogaliso daafaca xulka faransiiska iyo kooxda Arsenal Bacary Sagna kaas oo ay kooxdiisa isku maan dhaafsan yihiin heshiis cusub oo uu saxiixi rabo.

31-jirkaan ayaa baryahaan lagu waday inuu la kulmi doono kooxda si ay isla meel dhigaan heshiiska xidigaan uu dalbanaayo oo ah 3-sano inkastoo Arsenal ay 1-sano kaliya ogoshahay.

Si Kastaa sheekadu ha ahaatee kooxda Fenerbahce oo u dabaal dagtay horyaalkeedii 19-aad ayaa Sagna u balan qaaday mushaarka uu haatan ka qaato Arsenal oo £100,000.

lacagtaan ay soo bandhigtay kooxdaan turkiga ah ayaa ku qasbi doonta Sagna inuu iska indho tiro waxa ay ugu yeereyso Arsenal oo aan wali wax jawaab ah siinin xidigaan madama uu ka tagi doono kooxda hadaan heshiiska loo kordhin.

Sidoo kale Kooxaha Manchester City iyo Inter Milan ayaa saf ugu jira Sagna.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close