Sida uu shaaciyay wargeyska Il Messaggero ee kasoo baxa magaalada Roma daafaca reer Morocco iyo Kooxda As Roma Mehdi Benatia ayaa doorbidaya inuu ku biiro kooxda Chelsea intii uu ku biiri lahaa kooxaha Manchester City iyo Manchester United kuwaas oo si aad ah u doonayay xidigaan.
Mehdi Benatia ayaa ku socda wadadii uu ku macsalaameyn lahaa Olympico Stadium isagoo doonaya inuu ka hoos ciyaaro Jose Mourinho intii uu Van Gaal iyo Pellegrini ka hoos ciyaari laha.
Kooxda Roma oo leh milkiyada xidigaan ayaa iska diiday dalab 33 Malyan Oo Euro ah oo ka yimid kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka kuwaas oo iyagana xiiso u qabay xidigaan.
Liiska kooxaha doonaya Benatia waxaa ku jira Barcelona, balse Roma ayaa xidigaan ku dooneysa iney ku fasaxdo 40 Malyan Oo Euro hadiiba ay iibineyso xidigaan.
Sheekadii bilowgii bishaan la waday ee aheyd in Manchester city ay ku dhawdahay xidigaan ayaa soo afjarantay waxaana haatan fursada ugu fiican heysta kooxda Chelsea.
Profile