Madaama macalin Arsene Wenger uu qarka u saaran inuu Arsenal usoo saaro koobka horyaalada Yurub xili cayaareedka soo aadan wuxuu macalinkan waaya araga ah bilaabay inuu kasoo fikiro xidigaha dabooli karaa dul duleelada Arsenal ka muuqdeen xili cayaareekan wuxuuna si gaar ah diirada u saari doonaa saxiixa xidig khadka dhexe ku wanaagsan madaama kabtan Mikel Arteta uu xagaagan Arsenal macsalaameyn doono sidaa darteed kubad bur buriyaha xulka Jarmalka iyo naadiga Bayer Leverkusen Lars Bender wuxuuna xidigan tayada wanaagsan leeyahay waaya aragnimo ku filan oo uu Arsenal ku caawin karo wuxuuna sanado badan si joogto ah ugu cayaarayay kooxda Leverkusen.
Lars Bender £20 million ayaa lagu qiimeeyaa waxayna Arsenal diyaar la tahay inay lacagahaas bixiso madaama uu qiimahiisa sare usoo kici karo waayo xulka Jarmala ayuu koobka aduunka kala qayb qaadan doonaa sidoo kalena sanadkan boos joogto ah inuu xulka Jarmalka ka helo ayaa la rajeynaa madaama Sami Khedira iyo Ilkay Gundogan ay dhaawacan yihiin, xidigan dhalinta yar ayaa wargeska The Bild ee kasoo baxo dalka Jarmalka u sheegay marka uu xili cayaareedkan dhamaado inuu Waqooyiga London kula midoobi doono saaxiibadiisa Mesut Ozil, Lukas Podolski iyo Per Mertesacker sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraayo in Leverkusen ay sagootin u sameyn doonto 24-jirkan kulanka ugu dambeeyo Bundesligaha oo ay dhawaan cayaari doonto madaama dalabkiisa loo tixgali doono.