Home » Maxaa Cusub » Kooxda Arsenal Oo Tartan Culus Kala Kulmi Doonta Saxiixa Messi-ga Cusub Ee Dalka Iran

Kooxda Arsenal Oo Tartan Culus Kala Kulmi Doonta Saxiixa Messi-ga Cusub Ee Dalka Iran


Sardar Azmoun 1

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa indhaheeda meel dheer ku dhaceen markaan waxeyna u dukaameysi tageysaa horyaalka Russia waxeyna dooneysaa iney lasoo saxiixato da’yar lagu neynaaso “New Mess” [Messiga Cusub] kaas oo ka tirsan kooxda Rubin Kazan.

19-jirkaan lagu magacaabo Sardar Azmoun kaas oo u dhashay dalka Iran ayaa leh qaabka boqorka reer Argentina Lionel Messi isagoo dhaliyay 4-gool, 14-kulan oo uu saftay.

Waxqabadka xidigaan da’da yar waxey u sahashay in lagu daro liiska 30-ka xidig ee macalinka dalka Iran Carlos Queiroz, uu u magacaabay xidigaha Kooba Aduunka.

Gunners ayaana dooneysa iney xidigaan kula dagaalanto kooxaha Ac Milan iyo Juventus oo ka dhisan dalka talyaangia.

Wakiilka Xidigaan da’da yar ayaana xaqiijiyay in Arsenal ay dalab usoo dirtay xidigaan inkastoo ka hor ay lasoo xiriireen Juve iyo Milan sida uu hadalka u dhigay.

Si Kastaba da’yarkaan heerka caalami ayaa ah xidig mustaqbal ku leh kubada cagta, wuxuuna noqonayaa xidigii ugu horeeyay ee u dhasha Iran oo kasoo muuqda Arsenal hadii ay dhacdo inuu u warego.

Sardar Azmoun Sardar Azmoun 2

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close