Arsenal ayaa talaabo hormar leh u qaaday saxiixa weeraryahanka kooxda Barcelona Alexis Sanchez kadib markii ay miiska saartay aduun lacageed oo gaaray 32 Malyan Oo Pound oo ay ku yeelaneyso milkiyada xidigaan.
Wararka ka imaanaya waqooyiga London ayaa iclaaminaya in Arsene Wenger uu ku kalsoon yahay in Alexis Sanchez uu Emirates kusoo biirin doono iyadoo xidigaan reer Chile uu kooxdiisa Barca ka diiday inuu qeyb ka noqdo heshiiska Suarez uu Camp Nou ku imaanayo wuxuuna si cad ugu sheegay kooxdiisa inuu doonayo Arsenal.
Liverpool ayaa ku jirta liiska kooxaha xiiseynaya xidigaan iyadoo Barca ku cadaadineysa in Sanchez ay qeyb kaga dhigto heshiiska Suarez balse xidigaan ayaa ka biyo diidan sida ay shaacisay Goal.com.
Arsene Wenger ayaa sidoo kale shaaciyay inuu isbuucaan gudahiisa dalka Brazil kula kulmi doono wakiilka Alexis Sancehz si uu kala hadlo xaalada xidigaan iyo sidii uu ku imaan lahaa Garoonka Emirates ee waqooyiga magaalada London.
Profile