Tababare Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu xambaaro masuuliyada suuqa kala iibsiga kooxda Gunners xagaagan wuxuuna dib usoo rogaal celiyay xiisihii uu u qabay kubad burburiyaha reer Jarmal Lars Bender kaas oo ka tirsan kooxda Bayer Leverkusen ee dalka Jarmalka.
Tababare Wenger ayaa qarka u saaran inuu xaqiijiso saxiixa Alexis Sanchez kaas oo lagu qiimeeyay 35 Malyan Oo Pound, iyo sidoo kale garabka midig ee kooxda Newcastle United Mathieu Debuchy balse Lars Bender ayaa laga yaabaa inuu noqdo xidigii sadexaad ee kusoo biiray Arsenal.
25-jirkaan heerka caalami ee xulka Jarmalka ayaa nasiib daro awgeed kaga haray xulka Jarmalka ee koobka Aduunka madama uu dhaawacmay waxaana lagu qiimeeyaa 15 Malyan Oo Pound.
Sido kale tababare Wenger ayaa qiimeyn doona xaalada daafaca Southampton Morgan Schneiderlin iyo burburiyaha reer Jarmal Sami Khedira kuwaas oo iyagana laga doonayo Emirates.
Ugu Dambeyntii tababare Arsene Wenger ayaa dardar galin doona kadib dhamaadka koobka Aduunka saxiixa Lars Bender waxaana qorshaha macalinkaan uu yahay inuu qarash gareeyo 100 Malyan si kooxda awoodeeda loo balaariyo.