Kooxda Arsenal beryahan dabagal qarsoodi ah ayay ku heesay weeraryahanka xulka Ivory Coast iyo naadiga Swansea City Wilfried Bony balse kooxdiisa ayaa ka war heshay waxaana Arsenal loo sheegay inaysan is qarinin soona fariisatoo miiska wada hadalka waxaana sidoo kale Arsenallagu wargeliyay weeraryahankan awooda badan inaysan qiimo jaban ku heli doonin xagaagan madaama Swansea u baahan tahay badalkiisa inay si dhaqsi ah ku hesho, 25-jirkan xili cayaareedkan bilawgiisa Premiership-ka imaaday ayaa si wanaagsan ula qabsaday wuxuuna u dhaliyay Swansea 15-gool sidaa darteed macalin Arsene Wenger oo doonayo xidigan uu Olivier Giroud ka garab cayaarsiiyo ayaa Bony u arko inuu ku haboon yahay qaab cayaareedka Arsenal.
Balse kooxda Swansea waxay si rasmi ah u sheegtay in Bony ay kaga samri karto £20m sidaa darteed Arsenal waxay ku qasbanaan doontaa inay lacagaas bixiso si ay xidigan tayada wanaagsan u hesho waxaana naga xasuusin ah in Swansea bilawgii xili cayaareekan ay £12m kaga soo iibsatay naadiga Vittese ee ka dhisan dalka Holland sidoo kalena xili cayaareedkii hore wacdaro xoogan ayuu horyaalka Holland ka dhigay madaama uu gool dhalinta ku guuleestay sidaa darteed Bony oo hormar muuqdo sameynayo ayaa dhankiisa dhawaan sheegay in lasoo gaaray xiligii uu koox weyn ku biiri lahaa kana soo muuqna lahaa koobka horyaalada Yurub hadaba Arsenal oo u gacan haatineyso xidigan siduu Swansea City xagaagan kaga soo baxsan karaa?