Home » Maxaa Cusub » Kooxda Arsenal Oo Faa’iido Ku Qabtay Inuu Joogo David Moyes, Sabab?

Kooxda Arsenal Oo Faa’iido Ku Qabtay Inuu Joogo David Moyes, Sabab?


David Moyes

Waa Shaki La’ in Jabka Koox ay faa’iido u tahay koox kale, weyna dhacday balse uma rumoobin inkastooy ku dhawaadeen hadana Gunners ayaa isku dayday iney saxdo qalad ay horay u gashay wey dadaaleen usa noqon weyday.

Sida ay ku warantay [Givemefootball.com] Robin Van Persie oo kabtan usoo ahaa Arsenal ayaa ku dhawaaday inuu dib ugu soo laabto kooxda waqooyiga London ka dhisan kadib markii uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda inkastooy qarsoodi aheyd waxeyna arintaan timid markii ay dhibaatada baahsan soo kala dhex gashay kabtanka Xulka Holland iyo macalinka sida xun loo ceyriyay ee David Moyes oo markaas talada hayay.

RVP ayaa xili ciyaareed dahabi ah la qaatay kooxda Shayaadiinta waxaase xiligaas hogaanka u hayay Sir Alex Ferguson kooxda xidiga rer Holland ayaana ku guuleystay kabta dahabka gooldhalinta horyaalka Ingiriiska sanadkiisii labaad oo xiriir ah.

Moyes-Van-Persie-PI_20131022065400137_660_320

Mashaqose ugama horeyn Moyes ee durba waxaa dhacay isku dhac dhanka tababarka ah oo soo kala dhexgalay labada shaqsi taasoo sababtay in Arsenal ay u dhawaato fursad ay ku sixi karto qalad ay horay u gashay oo ah in RVP ay ka iibisay Manchester United.

Ugu dambeyntii riyadii Gunners ayaan rumoobin madama David Moyes laga raacdeeyay Old Trafford sidoo kalana kooxda ay shaqsiga ugu cad-cad ku sheegeen Van Gaal oo dhalasho la wadaaga RVP.

Joornaaliistaha caanka ah ee Tancredi Palmeri oo ah shaqsiga qormadaan qoray ayaa bogiisa tiwtter-ka ku shaaciyay xiligaas in Arsenal ay ku hungowday riyadeeda.

“RVP wuxuu u muuqday mid heshiis afka ah la gaaray Arsenal, balse ceyrintii Moyes ayaa wax walba badashay”

Xusuusnow in RVP uu ka qeyb qaatay kulamadii ugu dambeeyay horyaalka isagoo kooxda kaga maqnaa sabab dhaawac, waxeyna arintaas u muuqatay mid uu kaga soo horjeedo Moyes.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close