Kooxda Waqooyiga Magaalada London ka dhisan ee Arsenal ayaa dib u milicsatay xidig ay horay isaga iibisay kaas oo fursad loo siin waayay inuu isku muujiyo Emirates Stadium haatana ka ciyaara horyaalka dalka Spain ee La Liga.
Da’yarkaan reer Mexico ayaa kooxda waqooyiga London ka dhisan ka tagay wuxuuna ku biiray kooxda Real Sociedad waana mid ka mid ah xirfadlayaasha lugta bidix ku ciyaara ee haatan ugu wanaagsan horyaalka spain.
Carlos Vela ayaa Arsenal ka hayaamay wuxuuna ku tagay kooxda reer Spain aduun dhan 2.5 Malyan Oo Euro balse heshiis la galay xiligaas Arsenal ayaa dib ula saxiixan karta xidigaan hadii ay doonto iyado bixineysaa wax ka yar hal malyan kuna qaadan doonta 3.3 Malyan Oo Euro.
25-jirkaan reer Mexico ayaa qaabkiisa uu soo jiitay Arsene Wenger waxaana kooxda Gunners ay dooneysaa iney dib ugu soo celiso Premier League.
Vela ayaa dhaliyay 45-gool, 120-kulan oo uu u saftay kooxda Real Sociedad sidoo kale hadii ay koox kale iibsaneyso waxaa xidigaan qiimahiisa uu noqonayaa aduun dhan 24.6 Mayan Oo Euro.