Wargeska AS ayaa sheegay in Dani Carvajal uu xagaagan kooxdiisa Real Madrid ka dalban doono in loo cadeeyo doorkiisa garoonka Bernabua.
Waayo Real Madrid waxay lacago aad u fara badan heshiis kula gaartay Danilo oo ay isku boos yihiin Dani Carvajal waxaana daafaca reer Brazil Danilo laga balan qaaday inuu si joogto ah Real ugu cayaari doono.
Dani Carvajal iyo wakiilkiisa ayaa tashan doonaan marka uu La Ligaha Spain soo idlaado todobaadka dambe waxayna ka wada hadli doonaan inay qaadaan talaabo u wanaagsan mustaqbalkooda.
Xidigan dhalinta yar ayaa kusoo baxay daafac la isku haleen karo wuxuuna xili cayaareedkii hore kaalin muuqato ka qaatay inay Real Madrid markeedii 10-aad ku guuleesato Champion-ka.
Hadaba xaalada uu xidigan ku sugan yahay ayaa fursad weyn u noqon karto kooxaha Manchester United, Liverpool, Bayern Munich, PSG iyo Juventus oo dhamaantood diyaar u ah inay xidigan xagaagan gacanta kusoo dhigaan.
Dani Carvajal ayaa xili cayaareedkan kooxdiisa Real Madrid u cayaaray 36-kulan oo lagu soo bilaabay taasi oo ka dhigan in inta badan kulamada ay kooxdan cayaartay uu xidigan saftay.