Sanad walbo marka diyaar garow loogu jiro xili cayaareedka cusub waxaa caado beryahan kooxaha reer Yurub ka dhigteen inay dalka Mareekanka kulamo saaxiibtinimo kusoo cayaaraan sidaa darteed waxaa shaaca laga qaaday in xagaaga nagu soo fool leh koob loo dhigi doono qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan sida Real Madrid, Man United, Liverpool, Inter, Juventus, Roma iyo Man City tartankan la magac baxay Champions Cup ayaa ka bilaaban doono dalka Mareekanka 26-ka bisha July waxaana lagu cayaari doonaa 12-magaalo oo ku yaalo dalka Mareekanka naadiga Olympiakos ee ka dhisan dalka Mareekanka ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha kooban xiisaha badan ku hardami doonaan.
Waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday qaabka ay kooxahan awooda badan isku haleeli doonaan Man United Vs Roma ayaa 26-ka bisha July wada cayaari doonaan waxayna isku arki doonaan magaalada Denver isla maalinkaas Real Madrid Vs Inter Milan ayaa is haleeli doonaan waxayna ku wada cayaari doonaan Phoenix, hadaba jadwalka iyo nidaamka ay kooxahan isku arki doonaan ayaa shaaca laga qaaday fadlan hoos kaga bogo:
Manchester City-Milan (Pittsburgh, July 27),
Inter-Manchester United (Washington DC, July 29)
Roma-Real Madrid (Dallas, July 29),
Milan-Liverpool (Philadelphia, July 30)
Roma-Inter (New York, August 1)
Milan-Olympiakos (Hartford, August 2)
F.G: waqtiga kulamadan la cayaari doono waxaa ku imaan karo isbadal sidoo kalena waxaa macquul ah in kooxaha qaar ay gabi ahaanba tartankan isaga baxaan madaama mudo dheer ay ka harsan cayaaristiisa, sidoo kale kooxaha uventus, Chelsea, Everton, Valencia iyo LA Galaxy oo sanadkii