Juan Iturbe xili cayaareedkan wacdaro lala yaabay ayuu Serie A-da ka dhigay taasina waxay keentay in kooxda Verona oo bilawgii xili cayaareedkan FC Porto amaah xidigan kaga soo qaadatay ay si toos ah ul wareegto haatan waxaa la sheegay in laacibkan tayada wanaagsan uusan Serie A-da baaqi kusii ahaan doonin waxaana iibsan rabto Real Madrid oo dhawaan ku guuleesatay koobka horyaalada Yurub, waxaana la sheegay in labadan koox uu haatan u socdo wada hadal meel wanaagsan maraayo, waxaana naga xasuusin ah in maalmo ka hor ay kooxda Verona xidigan si toos ah FC Porto kaga iibsatay €15m waxayna haatan Madrid kaga iibsan rabaa laacibkan labo laab lacagtii ay ku gadatay!
20-jirkan u dhashay dalka Argentina wuxuu kooxdiisa Verona u saftay 33-kulan xili cayaareedkan Serie A-da asigoo dhaliyay 8-gool sidoo kalena kubadihii ugu badnaa oo ay kooxdan dhalisay isaga aya dhiibay taasina waxay keentay in Real Madrid ay qaab cayaareedkiisa la dhacdo wuxuuna noqon doonaa cayaaryahankii ugu horeeyay oo uu macalin Carlo Ancelotti lasoo saxiixdo kadib markii macalinkan uu La Decima ku guuleestay sidoo kalena xidigan kubada sameynteeda ku wanaagsan waxaa ku raad joogaan kooxaha Roma iyo Barcelona balse joornaalista dalka Talyaaniga aqbaartiisa laga tixgaliyo Gianluca Di Marzio ayaa sheegay inuu xidigan Madrid ku biiri doono maal maha nagu soo fool leh madaama Verona iyo kooxda reer Spain ay ku heshiin rabaan lacagaha Juan Iturbe.