Arsenal ayaa xaqiijisay kooxaha kaqeyb qaadan doono koobka saaxiibtinimo oo ay martigaliso Emirates Cup, Valencia, Monaco, iyo Benfica ayaa dhamaantood waxey imaan doonaan London si ay uga qeybqaataan tartanka koobka.
Madaxa howl fulinta kooxda ayaa kahadlay isku aadka koobka “Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan marti galino markale koobka Emirates Cup bisha August.
“Kan waa dhaqangalkii 7aad ee Emirates Cup, tani waxey katarjumeysaa guul, iyo isbuuc raaxo leh oo kubada cagta katirsan.
“Tartankaan wuxuu fursad ugu horeeso siinayaa taageerayaasha inay arkaan kooxdoda oo kuciyaareyso Emirates Stadium kahor xilli ciyaareedka cusub, sido kale waxey siineysaa tartan adag oo kooxdu isugu diyaariso xilli ciyaareedka 2014-2015.
“Garoonka Amirates waa marti galiye kufaanayo in lagu qabto tartanka koobka Emirates Cup taniyo markii lasameeyay koobkaan 2007, sida cad waxaan ku faraxsanahay in Emirates lagu qabto koobkaan Arsenalna wey kufaraxsan tahay in garoonkeeda uu marti galiyo tartanka qadarinta leh ee la isugu diyaarinaayo xilli ciyaareedka cusub.
Isku Aadka:
Saturday, August 2, 2014
Valencia CF v AS Monaco – 2pm
Arsenal v SL Benfica – 4.20pm
Sunday, August 3, 2014
SL Benfica v Valencia CF – 2pm
Arsenal v AS Monaco – 4.20pm