Home » Maxaa Cusub » Kooxaha Inter Milan & Ac Milan Oo Dalab ka Gudbiyay Flopka Barcelona Alex Song

Kooxaha Inter Milan & Ac Milan Oo Dalab ka Gudbiyay Flopka Barcelona Alex Song


Alex Song

Kooxaha reer Milan ayaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan burburiyaha Barcelona Alex Song, inkastoo xidigaan reer Cameroon uu doonayo dib ugu laabashada Ingiriiska.

Xidigii hore Gunners ayaa laba sano oo xanuun ah ku qaatay garoonka Camp Nou isagoon helin tixgelintii iyo karaamadii uu ku heystay garoonka Emirates ee ku yaala waqooyiga Magaalada London.

26-jirkaan wuxuu Bulgarana kusoo biiray 2012 isagoo kasoo haajiray kooxda Arsenal balse wuxuu ku fashilmay inuu boos ka helo kooxda madama xidigaha khadka dhexe kooxda ay yahiin wiilal reer Spain ah oo ay adag tahay in xirfad ahaan iyo dhalasho ahaan labadaba laga galo booska.

Si Kastgaba Mundo Deportivo ayaa xaqiijisay in Inter Milan iyo Ac Milan ay si isku mid ah usoo gubdiyeen laba dalab oo ay ku doonayaan la wareegitaanka xidigaan.

Dhanka kale Song ayaa doonaya dib ugu laabashada Premier League isagoo dalab ka helay kooxda Manchester United.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close