Weeraryahanka reer Colombia Radamel Falcao ayaa dib ugu soo laabtay hadal heynta kubada dalka Ingriiska waayo wakiilka xidigan ayaa fariimo kala duwan ka helay kooxaha Chelsea iyo Man City oo hadafkooda yahay inay bisha Janaayo lasoo saxiixdaan, Jorge Mendes ayaa u sheegay wargeska El Confidencial inay lasoo xariireen Man City iyo Chelsea sidoo kalena ay kala sheekeesteen qaabkii lagu heli karo weeraryahankan madaama uu qandaraas dheer kula joogo kooxda AS Monaco oo bilawgii xili cayaareedkan xidigan kusoo iibsatay aduun lacageed oo gaarayo 58-milyan oo euro ah.
Madaama xidigan uusan ku qanacsaneyn nolosha uu ku qaadanaayo magaalada Monaco waxay Chelsea iyo Man City aaminsan yihiin inay gacanta kusoo dhigi karaan Falcao oo lagu tilmaamo weeraryahanka ugu wanaagsan qaarada Yurub, xidigan haatan 14-milyan oo euro ah ayuu sanad walbo ka qataa naadiga Monaco waana qiimo lacageed oo aysan u balan qaadi karin Chelsea iyo Man City sidoo kale naadiyada Real Madrid iyo PSG ayaa 26-jirkan ku raad joogaan waxaana la sadaalinaa in Monaco ay ku heli doonto lacagihii ay kusoo iibsatay kuwo ka badan madaama ay isku heestaan 4-naadi oo lacagta marwalbo suuqa Yurub ku faraqaan.