Ugu dambeyntii kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa todobaadka kulan xasaasi ah wada qaadan doonaan waxayna ka wada hadli doonaan sidii ay isku dhaafsan lahaayeen labo xidigo oo muhiim ah u labadan naadi, inkastoo Chelsea ay mudo dheer ku raad joogtay saxiixa Diego Costa sidoo kalena xidigan uu heshiiska shaqsiha ah Blues la gaaray hadana kooxda Atletico Madrid ayaa ka madax adeegeesay inuu heshiiskan si rasmi ah u hirgalo macalin Jose Mourinho oo ka daalay hormar la’aanta xaalada Diego Costa ayaa ka dalbaday maamulka kooxdiisa inay Atletico Madrid la kulmaan sidoo kalena la weydiiyo waxa ay u baahan yihiin kadib markii taleefon lagu wada hadlay waxaa lagu balamay todobaadkan gudahiisa inay labadan naadi wada kulmaan sidoo kalena labo arin oo muhiim ah ay xal ka wada gaaraan.
Wargeska AS oo ka warqabay waxa ay ku wada hadleen labadan naadi ayaa sheegay in Diego Costa uu todobaadkan si rasmi ah Chelsea ugu biiri doono waxayna ku iibsan doontaa 32-milyan oo pound geeska kale Romelu Lukaku ayaa isagana qaab amaah ahaan lagu siin doonaa kooxda Atletico Madrid hadii uu anfaco si toos ah ayay u iibsan kartaa wixii ka dambeeyo bartamaha sanadka 2015, sidoo kale warar dheeri ah ayaa sheegayo in labadan koox ay heshiis ka wada gaari doonaan qaabkii Filipe Luis uu magaalada London ku aadi lahaa waayo daafaca reer Brazil wuxuu diiday inuu heshiis cusub kooxdiisa Atletico Madrid u saxiixo waxayna haatan Chelsea ku qaadan doontaa 20-milyan oo pound waana qiimaha qandaraaskiisa lagu jebin karo.
Profile