Rajadii ay naadiga Juventus ka qabtay inay garoonkeeda ku cayaarto kama dambeeta Europa League ayaa u suura gali weesay kadib markii Benfica ay hor istaagtay wiilasha macalin Antonio Conte ayaa dadaal badan sameeyeen balse natiijadii kulankii xalay waxay kusoo idlaatay 0-0 taasi oo ka dhigtay in Juve garoonkeeda joogto ay usoo bixi weyso Finalaha Europa League madaama lugtii hore 2-1 looga soo badiyay, Benfica oo difaaceyso sharafka dalka Portugal ayaa geesinimo muujisay waxayna kooxdan soo gaartay Finalaha tartankan sanadkii labaad oo xariir ah balse markan ma doonayaan in mar labaad laga qaado madaaama sanadkii hore 2-1 Chelsea koobka kaga qaaday.
Geeska kale naadiga Valencia ayaa dadaal xoogan sameesay sidoo kalena kuna dhawaatay inay Finalaha Europa Leage usoo baxdo madaama ay 3-0 gaarsiiyeen naadiga Sevilla balse nasiib daro daqiiqadihii dheeriga ah ee kulan laga duray ayay Sevill ayaa heshay goolkii u suura galiyay inay Finalka u gudubto waxayna cayaartii xalay kusoo idlaatay 3-1, Valencia oo dar dar kulankan ku bilaawday ayaa labo gool heshay qaybtii hore waxaana u kala dhaliyeen 14′ Sofiane Feghouli iyo Beto oo gool kama ah iska dhaliyya daqiiqadii 26-aad balse taageerayaasha Valencia waxaa sii farxad galiyay markii cayaarta 3-0 uu ka dhigay Jérémy Mathieu daqiiqadii 70-aad waxayna aamineyn inay Finalaha u gudbeen balse daafaca reer Cameroon Stéphane M’Bia aaa qalbi jab ku riday Valencia madaama daqiiqadii 90+4 uu gool ka dhliyay waxaana sidaas Finalka ugu gudubtay Sevilla madaama ay lugtii hore 2-0 ku badisay waxayna kusoo baxday sharciga goolasha inkastoo isku darka laba lug ay labadan koox la imaadeen 3-3 balse goolkii ay Sevilla ku dhalisay garoonka Valencia ayaa Finalka usoo saaray.
14-ka bishan May waxaa kama dambeesta tartankan xiisaha badan magaalada Turin ku wada cayaari doonaan kooxaha Banfica oo ka socoto dalka Portugal iyo Sevilla oo Spain mataleyso waxaana xusida mudan in Sevilla aysan tartankan labo jeer ku guuleesatay sanadihii 2006 iyo 2007 halka Benfica aysan marnaba tartankan ku guuleesanin.