Home » Horyaalada » France League I » Kooxaha Arsenal Iyo Liverpool Oo Ku Dagaalami Doonaan Saxiixa Yohan Cabaye Madaama PSG

Kooxaha Arsenal Iyo Liverpool Oo Ku Dagaalami Doonaan Saxiixa Yohan Cabaye Madaama PSG


Yohan-Cabaye-Arsenal-Liverpool-Transfer-408810

Kubad sameeyaha xulka France Yohan Cabaye ayaa lagu wadaa inuu bisha Janaayo ee nagu soo fool leh dib ugu soo laabto Premiership-ka England madaama kooxdiisa PSG ay u ogolaatay inuu la hadli karo naadiyada Arsenal iyo Liverpool oo saxiixiisa ku raad joogaan.

12-bilood ka hor ayuu Yohan Cabaye ku biiray naadiga PSG asigoo xiligaas isaga tagay kooxda New Castle balse laacib wuu ku niyad jabay inuu baaqi kusii ahaado caasimada France madaama uusan ka mid ahayn xidigaha joogtada ugu cayaaraan Paris.

Wuxuuna dhawaan kooxdiisa ka dalbaday in la iska fasaxo haatan maamulka PSG ayaa codsigiisa aqbaleen waxaana laga iibin doonaa kooxaha Liverpool iyo Arsenal midii la timaado dalab raali galiyo kooxda reer France.

28-jirkan kooxda PSG waxay sanadkii hore kusoo iibsatay £20m sidaa darteed kooxdan ma aqbali doonto wax ka yar isla lacagihii ay ku qarash gareesay saxixiixa sidaa darteed arinta xiisaha leh ayaa ah Liverpool iyo Arsenal kooxdee Paris u balan qaadi karto inay £20m bisha Janaayo gacanta u galin doonto.

Wakiilka Cabaye ayaa dhankiisa sheegay in xidigan labadan naadi dalabkooda soo dhaweyn doono sidoo kalena aysan wax dhibaato ah ku qabin inay u dhaqaaqaan Anfield ama Emirates balse wax tilaabo ah ma qaadi doonaan ilaa kooxdiisa Paris laga siiyo lacagaha ay madaxiisa dul dhigtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>