Qaar ka mid ah xidigaha Muslimka ah ee ka qeyb galaya Koobka Aduunka ayey saameyn doontaa hadii ay gaaraan heerarka dhexe ee koobka Aduunka madama bisha Barakeysan ee Ramadaan ay kusoo aadi doonto.
Waa markii ugu horeysay oo ay Bisha Ramadaan soo gasho Koobka Aduunka tan iyo 1986-dii, waxaase lasoo calaameeyay tiro badan oo xidigo ah kuwaas oo ay saameyn doonaan cimilada Dalka Brazil iyo fulinta waajibaadka saaran.
Bisha Ramadan ayaa bilaaban doonta 28-ka June, waana marka uu bilaaban doono wareega labaad ee Koobka Aduunka wuxuuna socon doonaa ilaa 27-ka July.
Xulalka Belgium, Ivoary Coast & France ayaa ugu cad-cad wadamada leh xidigaha islaamka ah lagana yaabo iney usoo gudbaan wareega xiga ee koobka Aduunka.
Karim Benzema, Bacary Sagna, Moussa Sissoko, Mamadou Sakho ayaa ku jira xulka Faransiiska kuwaas oo aaminsan diinta islaamka sida aan kasoo xiganay Daily Mail.
Walaalaha reer Ivory Coast Yaya and Kolo, weeraryahanka Roma Gervinho iyo kubad sameeyaha Newcastle United Cheick Tiote ayaa sidoo kale ka mid ah xidigaha muslimka ah.
Badi xidigaha Bosnia Herzegovina oo aan ka xusi karno Pjanic iyo Dzeko ayaa iyagana ka mid ah xidigaha muslimka ah, dhanka kale wiilasha reer Belgium: Fellaini, Dembele, sidoo kale garabka Bayern Munich Xherdan Shaqiri iyo kubad sameeyaha Jarmalka Mesut Ozil.
Marka laga soo tago dhibaatada ay kala kulmi karaan tababarka war fiican ayaa usoo yeeray kaas oo ah in Brazil laga soomo 11-saacadood oo kaliya ah taasoo ah mid fudud.