Home » Horyaalada » Bundesliga » Kevin De Bruyne Waxay Kooxda Man City Usiin Doontaa Mushaar Lacago Uusan Waligiis Ku Riyoonin

Kevin De Bruyne Waxay Kooxda Man City Usiin Doontaa Mushaar Lacago Uusan Waligiis Ku Riyoonin


Kevin-de-Bruyne-Wolfsburg

Kubad sameeyaha reer Belgium Kevin De Bruyne fadhi uma yaalo madaama kooxda Man City ay u balan qaaday mushaar uusan waligiis ku riyooinin.

Kevin De Bruyne ayaa kooxdiisa VFL Wolfsburg ku cadaadin doono in dalabka Man City la aqbalo waayo xidigan waxaa loo balan qaaday in €15 million sanad walbo mushaar ahaan loo siin doono.

Sidoo kale Man City waxay dooneysaa De Bruyne ku iibsato €60M waana lacagaha ay kooxda reer Jarmal xidigan horey u dul dhigtay.

De Bruyne xili cayaareedkii dhawaa ayuu Chelsea isaga tagay wuxuuna ku biiray naadiga Wolfsburg balse xidigan dhalinta yar Bundelsigaha ayuu wacdaro ka dhigay.

De Bruyne wuxuu dhaliyay 15-gool sidoo kalena 25-kubadood ayuu dhiibay dhamaan tartamada kala duwan xili cayaareedkii dhawaa.

Waana sababta ay Man City kubad sameeyahan u dooneyso inay lacago waali ah kula soo wareegto inta uu haatan suuqa Yurub furan yahay.

De Bruyne qandaraaska uu Wolfsburg kula joogo ayaa ku eg sanada 2019 waana sababta ay kooxdan iibka xidigan lacago badan uga macaashi doonto marka ay Man City ku wareejiso todobaadyada nagu soo fool leh.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>