Home » Horyaalada » La liga » Karim Benzema Oo Doonaya In Paul Pogba Uu Kusoo Biiro Real Madrid

Karim Benzema Oo Doonaya In Paul Pogba Uu Kusoo Biiro Real Madrid


Pogba

Karim Benzema ayaa doonaya in Paul Pogba uu kasoo guuro magaalada Turin isagoo ugu baaqaya magaalada Madrid ee caasimada Boqortooyada Spain isagoo jeclaan lahaa inuu kusoo biiro kooxda Los Blancos.

Da’yarka reer France ayaa mudo badan lala xiriirinayay kooxda Real Madrid inkastoo Juventus ay ka madax adeegeyso iney iska iibiso xidigaan heerka caalami.

Sidoo kale 21-jirkaan waxaa si ba’an u doonaya kooxaha Paris Saint Germain, Chelsea & Man United kuwaas oo dhamaantood u riyaaqay qaab ciyaareedka xidigaan.

Si kastaba Benzema oo lamaan la noqon doona Pogba marka ay xulka faransiiska aadaan Brazil.

“Waa wiil yar, isla markaana u dheelay koox ka mid ah kuwa ugu waaweyn yurub, kulan walba wuu sii fiicnaadaa wuxuuna ku jiraa heer sareeya waa inuu sii wadaa shaqadiisa adag” Ayuu weeraryahanka Madrid ku waramay.

“Wan jeclaan lahaa inuu yimaado Madrid, sababtoo ah waa farnasiis isla markaana noqon kara xidig weyn”

Si Kastaba Benzema ayaa jeclaan lahaa inuu koobka Aduunak u matalo xulkiisa faransiisak sidoo kalana uu Pogba ku arko Santiego Bernabue.

France ayaa group kula jirta: Switzerland, Honduras & Ecuador koobka Aduunka.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close