Laaciba qaarada Yurub ugu wanaagsan kana tirsan naadiga Bayern Munich Franck Ribery ayaa qirtay in lasoo gaaray xiligii uu masraxa caalamiga ah faarujin lahaa wuxuuna kubad qaabeeyahan ka dhawaajiyay hadii uu xulka France kala qayb galo koobka aduunka kadib uusan hubin inuu markale tartan heer caalami ah kasoo muuqan karo, wuxuuna yiri “Dabcan xagaagan wuxuu noqon doonaa midii iigu dambeeyay oo aan koobka aduun kasoo muuqdo waxaan ahay 31-jir uma maleynaayo 4-sano kadib inaan xulkeyga France koob aduun markale kala qayb qaadan karo” Franck Ribery waa shaqsi mudo dheer xulka France ka tirsan wuxuuna xulkan masraxa caalamiga ah bilaabay inuu kaga soo muuqdo koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Jarmalka sanadii 2006 sidoo kalena sanadii 2010 wuu ka qayb qaatay haatana waxaan la filaa inuu dalka Brazil kasoo muuqdo.
Ribery xulkiisa France wuxuu u saftay in ka badan 81-kulan sidoo kalena waa hogaamiye la isku haleen karo balse marnaba koob muhiim ah xulkiisa makula guuleesanin inkasto dhanka naadiyada uu Bayern Munich la qaaday koob walbo oo caalami ah sidaa darteed xidigan ayaa ku han weyn xagaagan inuu guul u horseedo xulka France oo uu haatan leyliyo Didier Deschamps wuxuuna yiri “koobka aduunka waa mid aad u adag in la qaado hada marwalbo tartamada caalamiga ah wax la yaab leh way ka dhacaan sidaa darteed hadii aan dadaal dheeraad ah muujino waxaan rajeynaa inaan qaadi karno tartankan madaama loo wada siman yahay hanashadiisa”