Naadiga Chelsea waxay si rasmi ah gacanta ugu soo dhigtay Diego Costa oo ay mudo dheer ku raad joogtay sidaa dareed macalin Jose Mourinho culees weyn ayaa ka dagay madaama uu gacanta kusoo dhigay bartilmaameedkiisii kowaad balse midaas kama dhigno in Mourinho oo nasan doono waayo macalinka reer Portugal shaqo culus ayaa u taalo madaama uu qaar ka mid ah xidigaha Chelsea fasixi doono sidoo kalena uu lasoo saxiixan doono laacibiin tayo wanaagsan, hadaba taalabada xigta oo ay Chelsea qaai doonto iyo qorshaha uu Mourinho damacsan yahay fadlan hoos kaga bogo:
Filipe Luis (Atletico Madrid): £20m ayay Chelsea xidigan kusoo iibsan rabtaa.
Paul Pogba (Juventus): £60m ayay Chelsea xidigan ku baadi goobeysaa.
Pierre-Emerick Aubameyang (Borussia Dortmund): £7m ayay weeraryahankan Chelsea kusoo iibsan rabtaa.
Tiago (Atletico Madrid): si xor ah ayuu Chelsea ku imaan doonaa xidigan
William Carvalho (Sporting Lisbon): £32m ayay Chelsea xidigan kula soo saxiixan rabtaa
Raphael Varane (Real Madrid): £25m ayay Chelsea daafacan ku dooneysaa
Profile