Xulka Ingiriiska ayaa gaaray guul daciif ah kadib markii ay marti galiyeen xulka Norway, kulan saaxiibtinimo oo ay labada xulba soo bandhigeen ciyaar fiican.
John Stones ayaa markiisii ugu horeeyay kasoo muuqday xulka Ingiriiska, iyadoo 20-jirkaan heerka caalami uu qaab ciyaareed aad u heer sareeyay kaga soo muuqday kulankii Norway.
Golka qura ee ay Ingiriisku ku dhaafeen xulka Norway waxey kaga mahad celinayaan kabtankooda cusub Wayne Rooney, iyadoo rigoorada lagu galay da’yarka Liverpool Raheem Sterling.
Si Kastaba qaab ciyaareedka Wayne Rooney ayaa wali mugdiyeysan iyadoo laga dheehan karay inuusan wali kasoo bixin kaalinkiisa ku aadan three lions.