Kabtanka kooxda Man City Vincent Kompany ayaa kalsooni weyn ka muujiyay saxiixyada muhiimka ah ee xagaagan kooxdiisa sameyn karto.
Vincent Kompany ayaa aamisan in kooxdiisa aysan ku dhici doonin sidii xagaagii hore oo kale madaama ay Man City saxiixyo badan sameesay balse ay badankooda ku qasaartay sida Mangala iyo Fernando oo kale.
Vincent Kompany wuxuu yiri “Marwalbo muhiim ah tirada cayaartooy ee kooxda imaaneyso balse waxaa muhiim ah saxiixyo tayo wanaagsan inaan sameeno”
“Sidaa darteed Mna City kama ceeman karto inay xagaagan suuqa Yurub ku fashilmato”
“Waa inaan lasoo saxiixana xidigaha wax galka ah ee kooxda wax kusoo kordhin karaan sidoo kalena dabooli karaan boosaska aan u baahanay”
Man City waxay bartilmaameed ka dhiganeysaa xidigaha kala ah Paul Pogba, Raheem Sterling iyo Kevin De Bruyne ayadoo dooneyso inay 150-milyan oo pound sedexdan xidig kula soo saxiixato.
Sidaa darteed kabtan Kompany ayaa ku rajo weyn in sedexdaan saxiix ay awooda kooxdiisa Man City sare u qaadi karaan.
Man City xili cayaareedkii hore wax koob ah kuma guuleesanin sidaa darteed waa qasab xili cayaareedka cusub in kooxdan ay tartamo muhiim ah ku guuleesto marba hadii lacago badan la galin doono.