Home » Maxaa Cusub » Kabtan John Terry Oo Qandaraaska U Kordhiyay Kooxdiisa Chelsea

Kabtan John Terry Oo Qandaraaska U Kordhiyay Kooxdiisa Chelsea


Terry

The Blues ayaa ku dhawaaqday heshiis kordhinta kabtankooda John Terry maanta wuxuuna kooxda Galbeedka London ka dhisan lasii joogi doonaa hal sano oo dheeraad ah.

33-jirkaan u dhashay dalka England ayaa xili ciyaareedkaan muujiyay karti dheeraad ah isago kooxdiisa ka caawiyay iney soo istaagto booska sadexaad kala horeynta horyaalka Ingiriiska, wuxuuna door muhiim ah ku lahaa wiilashii safka hore ee Jose Mourinho uu isticmaalay xili ciyaareedkaan.

John Terry ayaa ka qalinjabiyay xerada lagu xanaaneeyo da’yarta ee kooxda Chelsea wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay saftay 1998-dii wuxuuna sii xiran doonaa maaliyada Chelsea tan iyo dhamaadka xili ciyaareedka soo aadan.

Xili Ciyaareedka soo aadan wuxuu noqon doonaa kii 17-aad oo uu xidigaan xirto maaliyada Blues, wuxuuna kooxda kusoo biiray isagoo 14-jir ah.

John Terry ayaa Chelsea u saftay 621-kulan, wuxuuna u dhaliyay 57-gool, sidoo kale wuxuu xirnaa kabtanimada kooxda 490-kulan.

Terry ayaa kula guuleystay kooxda Chelsea:

3-Horyaal Premier League

1 Champions League (2012)

1 Europa League (2013)

5 FA Cup (2000, 2007, 2009, 2010, 2012)

2 Carling Cup (2005, 2007)

2 Community Shield (2005, 2009)

Terry ayaa ku 20-jirsan doona kooxda Blues, wuxuuna la hadlay ugu dambeyntii website-ka ay gaarka u leedahay kooxda ee chelseafc.com.

“Waan ku faraxsanahay inaan saxiixo heshiis dheeraad ah, waxaana jeclahay inaan idinla qaato sanadkeygii 20aad”

“Waxaan jeclahay inaan u mahad celiyo taageerayaasha kuwaas oo wali i taageersan iyo macalinka ii suuragaliyay inuu igu sii hayo Stamford Bridge”

Dhanka kale Gooldhaliyaha ugu sareeya Chelsea Frank Lampard ayaa isna u baahan qandaraas cusub iyo sidoo kale daafaca bidix ee Ashley Cole kuwaas oo iyagana qandaraaskoodu dhamaaday.

Jose Mourinho ayaa kol hore shaaciyay in sadexdaan xidig ay sanad dheeraad ah sii joogi doonaan inkastoo terry loo rumeeyay, balse ma cada in Lampard iyo Cole loo rumeyn doono.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close