Steven Gerard 68-kulan ayuu kooxdiisa Liverpool u saftay koobka horyaalada Yurub, kulankiisii ugu horeeyay tartankan wuxuu saftay habeen ay Liverpool 1-1 la gashay naadiga Boavista ee ka dhisa dalka Portugal 11 September 2001.
Steven 20-gool ayuu Champion-ka ka dhaliyay sidoo kalena 12-gool ayuu dhiibay mana ku jiraan isreeb reebka tartankan goolasha uu dhaliyay ama uu dhiibay, goolkiisii ugu horeeyay wuxuu ka dhaliyay naadiga FC Dynamo Kyiv on 16 October 2001.
Gerard 47-kulan oo tartankan ah ayuu Liverpool hogaamiyay asigoo kabtan u ah, kulankiisii ugu horeeyay asigoo kabtan ah wuxuu Reds u saftay habeen ay 2-0 kaga badiyeen naadig Monaco 5 September 2004.
Sanadii 2005 Steven asigoo kabtan ah wuxuu Liverpool u qaaday Champion-ka markii 5-aad waxaana ugu dambeesay ka hor 2005 Liverpool tartankan oo ay qaado sanadii 1984!
Gerard wuxuu ka mid noqday 7-laacib ee ree England ah ayagoo kabtan ah tartankan ku guuleesteen waxayna laacibiintaas kala yihiin Sedex Liverpool ah Emlyn Hughes (1977, 1978), Phil Thompson (1981) iyo Gerrard (2005). 4-kale waxay kala yihiin Sir Bobby Charlton (Manchester United FC, 1968), Dennis Mortimer (Aston Villa FC, 1982), Rio Ferdinand (United, 2008) iyo Frank Lampard (Chelsea FC, 2012).
Liverpool waxay guuleesatay 48% kulamada ay Champion-ka cayaartay marka uu Gerard garoonka ku jiro wuxuu Liverpool u horseeday 33-guul, 18-bar bar dhac iyo 17-guul daro tartankan.
Steven 26-kulan oo Champion-ka ah wuxuu Liverpool kaga cayaaray khadka dhexe, 18-kulan lambarka 10-aad ayuu Liverpool kaga cayaaray halka 17-kulan oo ka cayaaray garabka midig ee khadka dhexe iyo 3-kulan oo uu garabka bidix ee khadka dhexe ka cayaaray!
Steven waxaa xusid mudan in tartankan ay khadka dhexe kala cayaareen 42-xidig oo Liverpool soo mareen ama hada ku sugan, markii ugu horeesay asigoo 21-jir ah waxaa khadka dhexe kala cayaareen Gary McAllister, Dietmar Hamann iyo Danny Murphy balse laacibka ugu badan oo ay khadka dhexe ka wada cayaareen tartankan aya ah Xabi Alonso waxayna isla cayaareen 30-kulan!!
Ruug cadaa Steven guud ahaan Liverpool 42-rigoore ayuu u dhaliyay balse 3-ka mid ah ayuu Champion-ka ka dhaliyay rigoorooyinkaas weliba midii ugu dambeesay daqiiqadihii ugu dambeeyay wuxuu ka dhaliyay naadiga Ludogorets xili cayaareedkan!