Home » Horyaalada » italian Serie A » Juventus Oo Mar Hore Iska Iibisay Vidal Balse Lama Shaacin Naadiga Ay Ka Iibisay Xidigan!!

Juventus Oo Mar Hore Iska Iibisay Vidal Balse Lama Shaacin Naadiga Ay Ka Iibisay Xidigan!!


vidal

Warar xiiso badan ayaa dalka Spain kasoo baxeen kuwaas oo sheegayo in kooxda Juventus ay mar hore xidigeeda awooda badan Arturo Vidal ay naadi aan la shaacin ka iibisay!

Xogtan waxay Juventus si rasmi ah daaha uga qaadi doontaa Vidal marka uu tartanka Copa America soo dhameesto.

Warbixintan waxaa shaaca ka qaaday wargeska Marca oo sheegay inuu helay xog dhab ah taasi oo muujineyso in Juventus ay Vidal ka iibisay mid ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan lana shaacin doono arinkan marka uu Copa America soo idlaado.

Arinkan xiisaha badan ayaa noqday mid hadal heyntiisa wato waxaana daaha laga qaaday in Juventus ay qiimaha Vidal koox aan magaceeda la sheegin ay kala heshiisay balse lagu balamay markii uu xidigan Copa America ee uu xulkiisa Chile kala qayb qaadanaayo la shaaciyo arinkan sirta ah.

Vidal waxaa siweyn loola xariirinaa kooxda Arsenal sidoo kalena naadiyada Real Madrid, Barcelona, Chelsea, PSG, Man United iyo Man City ayaa xidigan xiiso u qabaan.

Tolow kooxdee ku guuleesatay saxiixa Vidal ee qiimahiisa kala heshiisay naadiga Juventus!!!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>