Home » Maxaa Cusub » Marcelo Oo Lala Xiriirinayo Kooxda Juventus

Marcelo Oo Lala Xiriirinayo Kooxda Juventus


Marcelo

Kadib Alvaro Morata, Juventus ayaa u dhaqaaqday soo xerogalinta daafaca bidix ee kooxda Real Madrid Marcelo sida ay shaaca ka qaaday Tuttosport.

Marcelo ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee Antonio Conte kaas oo doonaya inuu awoodiisa isugu geeyo xili ciyaareedka soo aadan sidii uu wax uga soo qaadi lahaa tartanka Champions League oo uu ku fashilmay inuu muuqaal ka sameeyo sadexdii sano oo uu u sugnaa Torino.

Marka la eego heshiiska cusub ee Fabio Conteroa, Marcelo ayaa u muuqanaya mid ka tagaya kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Madrid waxaana xidigaan uu haatan xulkiisa Brazil kala qeyb qaadanayaa isku diyaarinta koobka Aduunka ee bartamaha bishaan ka bilaaban doona Brazil.

Dalabkaan Juventus ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Real Madrid ay ka heleyso xidigaan reer Brazil inakstoo aan la shaacin qiimaha ay ku dooneyso Juve.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close