Home » Maxaa Cusub » Juventus Oo Isha Ku Heysa Kubad Sameeyaha Da’da Yar Ee Kooxda Fulham Patjim Kasami

Juventus Oo Isha Ku Heysa Kubad Sameeyaha Da’da Yar Ee Kooxda Fulham Patjim Kasami


Kasami

Kooxda Juventus ee dalka talyaaniga ayaa isha ku heysa kubad sameeyaha kooxda Fulham Patjim Kasami sida ay qirtay jariiradda Goal.com.

21-jirkaan heerka caalami ayaa ku biiray kooxda Fulham ee ka ciyaarta Premier League 2011 isagoo u saftay 17-kulan, wuxuuna haatan xiligii dambe qaab amah ah ku bixiyay kooxda dhulkiisa hooyo FC Luzern.

Si Kasta xdigaan ayaa xili ciyaareedkaan ku raaxeysayana garoonka Craven Cottage kadib markii uu 6-kulan saftay 7-dii kulan ee horyaalka ay ciyaartay.

Sidoo kale xidigaan heerka caalami ayaa looga yeray xulka Switzerland kulamadii isreeb-reebka koobka aduunka ee Albania iyo Slovenia ee ka tirsanaa Group E.

Xiisaha Juventus ayaa dhabar jab u ah Martin Jol hadii uu lumiyo xidigaan madama ay ku bilaabeen horyaalka habacsanaan iyagoo fadhiya kalinta 17-aad ee horyaalka waxeyna leeyihin kaliya 7-dhibcood.

Patjim Kasami ayaa aqoon u leh horyaalka talyaaniga wuxuuna hal sano kusoo qarash gareeyay kooxda Palermo.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close