Macalin Antonio oo aad ugu rajo weyn in kooxdiisa ay guul ku furan doonto xili cayaareedka cusub ee koobka horyaalada Yurub ayaa u magacaabay 21-cayaaryahan kulanka adag oo ay habeen dambe la cayaari doonaan naadiga FC Copenhagen,
,,macalin Conte oo ka warqabo qaybta uu ku jiro inay ku wehliyaan Real Madrid iyo Galatasaray ayaa dalka Denmark ula safray 21-cayaaryahan oo ah kuwiisa ugu awooda roon, balse xidigaha kala ah Claudio Marchisio, Martin Caceres, Simone Pepe iyo Rubinho ayaa safarkan wax ka raacin madaama ay dhaawacyo kala duwan qabaan waxaana looga tagay magaalada Turin.
Guud ahaan waa kuwaan hoos ku qoran 21-cayaaryahan ee uu tababare Conte la safray:
1 Buffon, 3 Chiellini, 5 Ogbonna, 6 Pogba, 9 Vucinic, 10 Tevez, 11 De Ceglie, 12 Giovinco, 13 Peluso, 14 Llorente, 15 Barzagli, 19 Bonucci, 20 Padoin, 21 Pirlo, 22 Asamoah, 23 Vidal, 26 Lichtsteiner, 27 Quagliarella, 30 Storari, 33 Isla, 50 Citti.