Home » Europe » Europe League » Juventus vs Lyon, Porto vs Sevilla: Isku Aadka Wareega 8-da Ee Europa League Oo La Sameeyay

Juventus vs Lyon, Porto vs Sevilla: Isku Aadka Wareega 8-da Ee Europa League Oo La Sameeyay


Europa League

Si La mid ah Champions League waxaa la sameeyay isku aadka wareega 8-da ee tartanka labaad ee yurub Europa League waxyar kadib isku aadka Champions League waxaana kasoo baxay kulamo xiiso gaar ah leh.

Naadiga Juventus oo finalka tartankaan gurigooda lagu qaban doono ayaa wajahday naadiga reer France ee Lyon, halka Porto oo si dirqi ah kaga soo gudubtay Napoli ay wajahi doonto dhigeeda reer Spain Sevilla.

Naadiga reer Holland ee AZ Alkamar ayaa wajahi doona kooxda Finalka Champions League gurigeeda lagu qaban doono ee Benfica oo Tottenham soo reebtay.

Ugu dambeyntiina naadigii sanadii hore tartankaan Finalka tagay ee F.C. Basel ayaa u aaday Kooxda Valencia ee dalka Spain.

Isku Aadka Oo dhameytiran:

Az Alkamar vs Benfica

Olympique Lyon vs Juventus

F.C. Basel vs Valencia

F.C. Porto vs Sevilla

Lugta hore ee kulamadaan waxaa la ciyaari doona 3-da April halka Lugta labaad la ciyaari doono 10-ka April, Isku Aadka Semi Finalka tartankaan waxaa la sameyn doonaa 11-ka April, Finalka tartankaan waxaa lagu soo afjari doonaa magaalada Turin garoonka Juventus Arena 14-ka bisha May.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close