Home » Maxaa Cusub » Juventus Iyo Napoli Oo Isku Heestaan Saxiixa Juan Mata…

Juventus Iyo Napoli Oo Isku Heestaan Saxiixa Juan Mata…


juan-mata-chelsea

Laacibka kalsooni ka waayay macalin Jose Mourinho Juan Mata ayaa lagu wadaa inuu usoo dhaqaaqo Serie A-da dalka Talyaaniga marka la gaaro bisha Janaayo waxaana lasoo xariireen labada naadig ee ugu awooda badan dalka Talyaaniga Juventus iyo Napoli oo xiiseenayaan inay ka faa’iideestaan tayada uu leeyahay Mata, wargesyada dalka Talyaaniga ayaa qoreen in Juve iyo Napoli ay xariiro kala duwan la sameeyeen Mata wakiilkiisa waxayna u balan qaadeen boos joogto ah iyo kalsooni buuxdo in la siin doono sidaa darteed xidigan oo doonayo inuu xulka Spain koobka aduunka sanadka dambe kala qayb qaato ma diidi doono inuu ka faa’iideesto fursada ay labadan koox usoo bandhigeen.

Mata ayaa ku sigtay markii uu suuqa Yurub xirmi rabay inuu Chelsea qaab amaah ah uga tago balse qorshahaas uma suura galin natiijadana waxay noqotay in 4-kulan oo ay Chelsea cayaartay Premiership-ka hal kulan lagu soo bilaabay sidoo kalena booskiisa ayuu lumiyay inkastoo uu garab ka helaayo taageerayaasha Chelsea oo aad u jecel hadana xidigan kalsooni buuxdo kama heesto macalin Jose Mourinho arintaas awgeed wuxuu kooxdiisa bisha Janaayo ku cadaadin doonaa in laga iibiyo kooxaha Juve iyo Napoli waxaana lagu qiimeeyaa 25-milyan oo pound hadaba labadan koox midee bixin doonto lacagaha Blues dul dhigtay kubad sameeyaha reer Spain.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close