Kulamadii Wareega 16-aad ee tartanka Europa League lugtiisa kowaad kuwaas oo xalay la cayaaray waxaa kasoo baxeen natiijooyiin lala yaabay madaama kulamo adag la cayaaray kooxaha intooda badan cayaar adag ayaa dhex martay balse guuldaradii ugu cusleed waxaa xalay la kulantay naadiga Tottenham oo 3-1 ugu awood sheegatay dhigeeda Benfica kulan ka dhacay magaalada London waxayna haatan u muuqataa in Tottenham ay gabo ahaanba isaga hari rabto tartankan xiisaha badan inkastoo lug labaad oo dalka Portugal lagu cayaari doono todobaadka dambe ay dhiman tahay waxayna kooxda Benfica kaga mahad celinee guushan muhiimka ah daafaceeda reer Brazil Luisao oo labo gool Tottenham ka dhaliyay.
Kulankii magaalada Turin ka dhacay ee dhex maray Juventus iyo Fiorentina wuxuu xalay kusoo idlaaday 1-1 dabcan natiijadan kooxda Juve ma farxad galinin madaama ay fursado badan iska qasaariyeen sidoo kalena garoonkooda lagu cayaarayay waxaana kulankan xiisaha badan gool ku daah furay Arturo Vidal daqiiqadihii ugu horeeyay balse Mario Gomez ayaa Fiorentina guuldaro ka bad baadiyay madaama uu gool muhiim ah Juve ka dhaliyay cayaartan oo 15-daqiiqo ka harsan.
Kooxda Napoli oo iyadana dalka Portugal u safartay guuldaro ayay kala so laabatay waxaana 1-0 ugu awood sheegatay kooxda FC Porto oo goolkan qaaliga ah u dhaliyay weeraryahankeeda reer Colombia Jackson Martins, geeska kale Valencia oo dalka Bulgaria u safartay waxay kusoo badisay 3-0 ayadoo ku dur durisay naadiga Ludogorets waxayna haatan Valencia u muuqataa inay lug la gashay wareega 8-aad ee tartankan.
Dhanka kale naadiga Lyon oo dalka France mataleyso iyadana waxay 4-1 ku suul daartay kooxda Viktoria Plzen ee dalka Czech ka dhisan ugu dambeyntiina kulankii Derby Match-ka ahaa waxaa 2-0 ku badisay naadiga Real Betis oo si awood ku dheehan dhibacaha kaga qaadatay kooxda ay dariska yihiin Sevilla, guud ahaan waa kuwaan hoos ku qoran natiijooyinkii kulamadii xalay la cayaaray wareega 16-aad ee lugta 1-aad tartanka Europa League:
Basel 0-0 FC Red Bull Salzburg
FC Porto 1-0 Napoli
Ludogorets Razgrad 0-3 Valencia CF
AZ Alkmaar 1-0 Anzhi Makhachkala
Juventus 1-1 Fiorentina
Lyon 4-1 Viktoria Plzen
Sevilla 0-2 Real Betis
Tottenham 1-3 Benfica