Xidiga cusub ee kooxda Manchester United , Juan Mata ayaa sheegay in uu ku raaxeystay ciyaartiisii koowaad ee Man United.
Saxiixa ugu qaalisan Red devils ayaa door ka qaatay goolkii koowaad ciyaartii xalay taas oo United ay 2-0 uga badisay Cardiff City.
Mata oo nasiib u yeshay in kulankiisii koowaad uu ku qaato Old Trafford ayaa BBC-da u sheegay “ waxaan helnay fursado fiican oo aan ku dhalin karnay wax ka badan 2 gool, guushu waxey aheyd mid muhiim u ah kooxda ,aadbaan ugu raaxeystay ani ahaan ,taageerayashu waa kuwa aan la aamini Karin.
“Jamaahirtu aadbey ii soo dhoweysay ,waxaan umaleynaya in ay aheyd ciyaar fiican ,waxaan eegaya in aan horey u socono, waxaan isku dayi doonaa in aan ku dhameysano boosaska Champions League , waligeyn isma dhiibi doono ayuu hadalkiisa ku daray Mata.